Home Wararka Maanta Howlgal ay ka qeyb qaadanayaan Diyaarado Dagaal oo ka socda gobolka Hiiraan...

Howlgal ay ka qeyb qaadanayaan Diyaarado Dagaal oo ka socda gobolka Hiiraan iyo Cali Jayte oo ka Hadlay(Sawirro)

0

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa howlgalo balaaran ka wada deegaanno katirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamada doonayaan in ay ka sifeeyaan kooxda Al Shabaab.

Howlgalka ay hoggaaminayaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo taliyaasha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee CXD Generaal Tawane Axmed Maxamed ayaa ka socda Hiiraan.

Ciidamada huwanta ah oo garab ka helaya diyaarado dagaal ayaa kusii siqaya deegaanka Booco oo gacanta ugu jira Al Shabaab, waxa ayna ciidamada doonayaan in deegaankaasi iyo deegaanno kale ay joogaan Al Shabaab dagaal uga saaraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sheegay in uu socdo howlgal cusub oo Al Shabaab gobolka looga sifeenayo, waxa uuna ku hanjabay in Al Shabaab ka saarayaan deegaannada wali ka joogaan gobolka Hiiraan.

Ciidamada huwanta ah ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan Al Shabaab uga saaray deegaanno dhowr ah ay kamid yihiin Beerxaanno, Tarashante, Nuur-fanax, Ceela-hele iyo Burdaar.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee dagaalka xooggan ee Sudan gilgilay oo maalintii Saddexaad galay
Next articleNin ku labistay dharka Dumarka si uu ciyaar ugu guuleesto iyo fashilkii ku dhacay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here