Home Wararka Maanta Wararkii Uga Danbeeyey Qarax Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii Uga Danbeeyey Qarax Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho,waxaana wararka aan helnay ay xaqiijinayaan in qaraxu uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo ku qarxay goobta.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay dab sida dad goob joogayaal ah ay noo xaqiijiyeen sababay in ay qarax labaad sameeyaan Haamo Shidaal oo ay isticmaalayeen goobo ganacsi gaar ahaan Maqaayado ku yaalla halka uu qaraxu ka dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka watay gaarigaas oo illaa aan hadda la aqoonsan uu ku dhex gubtay dabka qabsaday gaarigiisa kuna geeriyooday, waxaana qaraxa ka dib kala cararay dadkii ku dhowaa goobtaas.

Goobta waxaa xiray ciidamada dowladda oo dadka u diidaya inay ka ag dhawaadaan goobta qaraxa.

Ad
Previous articleAl Shabaab oo War kasoo saartay Weerarkii lagu qaaday xerada Ciidanka ee ADC
Next articleIn ka badan 40 Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal KabTirsan Alshabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here