Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii U Danbeeyay Dagaalka Laascaanood Oo Maalintii 4-Aad Oo Xiriir Ah...

Wararkii U Danbeeyay Dagaalka Laascaanood Oo Maalintii 4-Aad Oo Xiriir Ah kasocda Magaaladaas

0

Dagaal ayaa ka socda maalintii afraad oo xiriir ah magaalada laascaanood ee xarunta gobalka Sool iyda oo dadka deegaanka ay doonayaan ka bixitaanka ciidanka Somaliland ee gobalka.

Dagaalka oo maalmihii la soo dhaafay ku koobnaa aagga buuraha ayaa saaka ku fiday jihooyin hor leh, iyadoo dadkii tirada yaraa ee ku haray magaalada ay bilaabeen iney aqaladooda isaga barakacaan, cabsi ay ka qabaan madaafiicda Somaliland ay ku garaacayaan magaalada darteed.

Macluumaadka la helayo ayaa sheegaya in saddexdii maalin ee dagaalku socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato.

Habeenkii xalay ayaa magaalada Garowe lasoo gaarsiiyay dhaawacyo hor-leh iyada oo goobaha caafimaadka ee Laascaanood-na uu ka jiro ciriiri badan.

Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Laba Qarax oo Ka dhacay Muqdisho oo Mid kamid ah Wasiir lala Beegsaday
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Madaxweynaha Dalka Talyaaniga(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here