Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii U Danbeeyay Aaska Maanta Loo Sameynayo AUN Abwaan Hadraawi iyo Madax...

Wararkii U Danbeeyay Aaska Maanta Loo Sameynayo AUN Abwaan Hadraawi iyo Madax badan oo loo Diiday inay Ka Qaybgalaan

0

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa aas qaran loogu sameyn doonaa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo duhurnimadii shalay ku geeriyooday hoy uu kaga noolaa xarunta Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in aaska uu gelinka dambe ee maanta ka dhici doono Xabaalaha Baqiiq, iyadoo la filayo iney ka qeyb galaan kumanaan ruux oo isugu jiro mas’uuliyiin iyo shacab doonaya iney weyneeyaan marxuumka oo ahaa shaqsi bulshada dhexdeeda sumcad iyo magac ku leh.

AUN Abwaan Hadraawi oo 82 sano jir ahaa wuxuu u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, wuxuuna ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Geerida Abwaanka oo bulshada oo dhan si isku mida uga naxday waxaa ka tacsiyadeeyay madaxda dowladda federaalka ee haatan, kuwo hore iyo madaxweynaha talada Somaliland haya ee Muuse Biixi Cabdi.

Ad
Previous articleDiyaarada Turkish Airlines oo duulimaad Toos ah ka billaabeysa Hargeysa
Next articleWaa Sidee Xiriirka Wilyam Ruuto iyo Madaxweyne Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here