Home Wararka Maanta Wararkii Igu Danbeeyey dil argagax leh oo xalay ka dhacay Hargeysa

Wararkii Igu Danbeeyey dil argagax leh oo xalay ka dhacay Hargeysa

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dilkaan oo ka dhacay xaafada Shacabka ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in Nin uu xaaskiisa u geystay, isaga oo ku dilay Mindi.

Booliska Somaliland oo ka howl-galay dilkaan ayaa ugu dambeyntii maanta u suurta-gashay inuu gacanta kusoo dhigo Jamaal Daaha Cabdiraxmaan oo ah Seyiga marxuumadda, kuna eedeysan dilkeeda.

“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed 54jir oo ku eedaysan inuu Xalay Abbaaro 10:30kii Habeenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd Xaaskiisii waxaanu uu ku dilay Mindi ( Soodh),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Somaliland.

Eedeysanaha oo 54 jir ah iyo marxuumadda la dilay ayaa waxay kasoo wada jeedaan dalka Yemen, sida uu shaaciyay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

“Dedaal dheer iyo hawlgallo ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen eedaysanahii, waxaana hadda ku jiraa gacanta ciidanka. Eedaysanaha iyo marxuumaduba waxay kasoo jeedaan dalka Yemen.”

Kiiskan ayaa waxaa hadda baaristiisa gacanta ku haya hoggaanka baadhista dambiyada CID ee magaalada Hargeysa.

Si kastaba, Somaliland ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilalka loo adeegsado Mindida, ayada oo inta badana ay laamaha amniga soo qabtaan dambiilaha, hase yeeshe dhacdadaan ayaa noqonaysa mid ugub ah oo ay ka argagaxeen reer Hargeysa.
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Xamse Cabdi Barre oo Magacaabay Wasiiiro Cusub kuwa kalana Xilka Ka Qaaday
Next articleWar Deg Deg ah: GALMUDUG oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha maamullada dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here