Home Wararka Somaliya Wararka ugu Danbeeyay Xiisada Dagaal ee ka jirta Magaalada Guriceel

Wararka ugu Danbeeyay Xiisada Dagaal ee ka jirta Magaalada Guriceel

0

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Galmudug oo ka dhaqaaqay fariisimahooda u dhexeeya Ceeldheere iyo Guriceel ayaa dhowr jaho kaga dhawaadey Garoonka diyaaradaha Guriceel oo fariisin u ah kooxda Ahlusunnada ee Guriceel qabsatay

Saraakiisha Ciidamada huwanta ah ayaa sheegay in qorshahoodu yahay baajinta qasaare walba oo soo gaari kara dadka shacabka ah ee ay dhufeysyada ka dul qoteen guryahooda kooxda Ahlu-sunnada hubeysan.

Odayaasha beelaha dega Guriceel ayaa illaa shalay waday kulamo ay la leeyihiin hogaanka Ahlu suna kuwaasoo looga hadlayey baajinta dagaal magaaladaas ka dhaca inkastoo ahlu sunna ay ka madax adeygtay iney qaadeyso dagaal.

Waxaa Maanta gebi ahaan xiran qaar kamid ah Goobaha Ganacsiga ee degmada Guriceel, iyadoo Ganacsatada qaarkood ay sheegeen sababta ay u xireen Goobahooda Ganacsiga iney tahay cabsi laga qabo in degmadaas lagu dagaalamo.

Xoogaga Ahlusunna ayaa difaacyo ka sameystay gudaha iyo banaanka degmada Guriceel, si ay isaga difaacaan haddii uu weerar kaga yimaado dhinaca Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, waxaana barakacay boqolaal qoys.

Ad
Previous articleMuqdisho oo looga shiray Xareynta Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka
Next articleXogta Mudug24 ee ku aadan Xiisada u dhaxeysa Gamudug iyo Ahlu-sunna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here