Home Wararka Caalamka Wararka ugu Danbeeyay Ruushka oo Qabsaday Magaalo Cusub, Duqeyn wali ku socota...

Wararka ugu Danbeeyay Ruushka oo Qabsaday Magaalo Cusub, Duqeyn wali ku socota Kyiv

0

Ciidamada Ruushka ayaa maalintii saddexaad ku garaacay magaalooyinka dalka Ukraine oo ay ku jirto caasimadda dalkaasi ee Kyiv, iyaga oo ku garaacay gantaallo, waxaana wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax ay sheegtay inay qabsadeen magaalada Melitopol ee koonfurta bari ee dalkaas.

Saraakiisha Ukrain ayaan si degdeg ah loo helin si ay uga hadlaan masiirka Melitopol, waxaana wasiirka ciidamada Britain James Heappey uu shaki galiyay warbixinta, isagoo sheegay in magaalada ay ku nool yihiin 150,000 oo qof ay wali ku jirto gacanta Ukraine.

Ilaha sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay la kulmeen iska caabin aad uga xoog badan sidii ay filayeen, waxaana tani ay si weyn hoos ugu dhigtay horumarkooda tan iyo markii duulaankooda uu bilowday Khamiistii.

Haddii warbixinta Interfax ee ku saabsan Melitopol, oo soo xiganaysa wasaaradda difaaca ee Ruushka, la xaqiijiyo, waxay noqonaysaa xaruntii ugu horreysay ee Ruushku qabsado.

Ugu yaraan 198 qof oo Ukrain ah oo ay ku jiraan 3 caruur ah ayaa lagu dilay 1,115 qofna waa lagu dhaawacay duulaanka Ruushka ilaa hadda, sida ay sheegtay Interfax oo soo xigatay wasaaradda caafimaadka Ukraine. Ma cadda in tiradu ay ka koobnaayeen dad rayid ah oo kaliya.

Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in 35 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ay ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay magaalada.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy, oo soo duubay fariin muuqaal ah oo ka timid meel ka baxsan xafiiskiisa Kyiv, wuxuu diiday inay is dhiibaan.

“Hub iska dhigi mayno, waanu difaacaynaa dawladnimadeena,” ayuu yidhi.

Zelenskiy mar hore waxa uu muujiyay in uu diyaar u yahay in laga wada hadlo xabbad joojin iyo wadahadal nabadeed, si la mid ah Kremlin-ka, laakiin xiriirrada diblomaasiyadeed ee ku meel gaadhka ah ayaan ilaa hadda wax natiijo ah ka soo bixin.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowlada Faransiiska oo Noqotay Dowladii Ugu Horaysay ee Ukrain Garab siisay
Next articleMaayarka magaalada Gaalkacyo oo Maantay Kormeeray Xarumo Muhiim ah oo Kuyaala Gaalkacyo(Sawiro)