Home Wararka Maanta Wararka ugu danbeeyay qabsoomida doorashada guddoonka golaha shacabka

Wararka ugu danbeeyay qabsoomida doorashada guddoonka golaha shacabka

0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay qabsoomeyso doorashada, islamarkaana uu wax is-bedel ah ku imaan jadwalkii doorashada Guddoonka oo maanta dhaceysa.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada hoolka loogu diyaariyay Afur, maadama uu dib u dhac saacado ah uu ku yimid qabsoomida doorashada, sidaas darteedna ay ku sugnaan doonaan illaa ay kasoo afmeerayaan doorashada guddoonka.

“Dib u dhac ayaa jira waxa aan rabna oo inaga go’an in doorashada ay maanta dhacdo. Xildhibaanada waxay afurka ku leeyihiin halkaan. Si dib u dhac kale uusan noogu imaan waa in aan galabta illaa caawa aan ugu dambeyn kusoo gaba-gabeyno doorashada oo Golaha uu yeesho Guddoonkii,” ayuu yiri.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa meesha ka saaray hadalo saacadihii u dambeeyay soo baxayay, kaasi oo sheegayay in uu is-bedel ku yimid jadwalkii doorashada Guddoonka, kadib markii Xildhibaanada ay la kulmeen caqabado dhowr ah si ay ugu sii gudbaan hoolka Afisyoone oo ay ka dhaceyso doorashada.

Waxa muuqata in doorashada Guddoonka illaa caawa ugu dambeyn lagu kala bixi doono, haddii uusan imaan is-bedel deg deg ah.

Hoolka doorashada ay ka dhaceyso ee Afisyoone ayaa hadda waxa ku sugan Xildhibaano badan oo kor u dhaafaya boqol, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid Xildhibaanadii laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Xildhibaanada Ceelwaaq iyo Garbahaarey ayaa ahaa dooda u weyn ee hadheysay qabsoomida doorashada guddoonka, ayada oo xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashadaas ay diideen in xildhibaanada labadaas magaalo laga soo doortay ka qeyb-galaan doorashada.

Hase yeeshe, waxaa muuqata in laga adkaaday garabka arrintaas ku dooday, ayna sidaas sharci ku noqdeen Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq, oo markii dambe laga dhigay deegaanad doorashada labaad ee maamulka Jubbaland, kadib markii sababo amni doorasho loogu qaban waayay Garbahaarey.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse xaalka hadda sidii hore waa ka roon yahay, waxaana socota qaban-qaabada qabsoomida doorashada.

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ad
Previous articleXildhibaan Mahad Salaad oo shaaciyay sida ay maanta wax u dhaceen
Next articleBooliska Sweden oo diiday Codsiga Rasmus Paludan ee Örebro iyo Trollhättan