Waxaa saacadihii lasoo dhaafay Waqooyiga magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo badan oo ku hubeesan gaadiidka dagaalka kuwaa oo soo faarujiyay fariisimo ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Ciidamadan ayaa la sheegay in xalay iyo saakay soo gaareen Waqooyiga magaalada Muqdisho halkaas ay isku aruursanayeen, waxaana ciidankan la sheegay in qaarkood ka amar qaataan sargaal milatari oo lagu magacaabo Janaraal Saney .
Sida aan xogta ku helnay ciidankan ayaa kasoo horjeeda mudo kororsiga Xildhibaanada golaha shacabka sameesteen, waxa ayna saraakiisha ciidankan hogaamineysa si cad u sheegeen in aysan ogolaan doonin mudo kororsi.
Ciidamadan oo markii hore joogay qeybo kamid ah degmada Kaaraan iyo duleedka degmadaasi ayaa la sheegay in ay isku fidiyeen xaafado hor leh oo kuyaala Waqooyiga magaalada Muqdisho sida xaafada Fagax iyo xaafado kale.
Saraakiisha ciidankan hogaamineysa ayaana la filayaa in ay la hadlaan Warbaahinta kana sheegaan ujeedka ay magaalada u yimaadeen, waxa ayna ciidankan u muuqdaan kuwa garab siinaya Musharaxiinta mucaaradka.
Ciidamada dowlada iyo saraakiisha hogaamisa qaarkood ayaa bilaabay in ay gadoodaan sidoo kala dhax galaan siyaasada kadib markii dowlada uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo sameesatay mudo kororsi labo sano ah xili la filayay in doorasho la qabto.
Magaalada Muqdisho ayaana laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidamada kawada tirsan dowlada balse markan kala taabacsan mucaaradka iyo dowlada .