Home Wararka Maanta War la yaab leh oo kasoo kordhay gabadhii laga badbaadiyay dhul gariirka...

War la yaab leh oo kasoo kordhay gabadhii laga badbaadiyay dhul gariirka iyadoo ay ku dhaggan tahay xuddunta hooyadeed

0

Gabadh yar oo kasoo jeedda dalka Suuriya oo agoon ah oo dhawaan ku dhalatay burburka hoostiisa xilli uu ku soo dumay gurigooda ka dib dhulgariirkii todobaadkii hore ka dhacay halaas.

Gabadhan markii laga dhex helay burburka hoostiisa iyadoo badqabta waxaa la geeyay goob nabdoon oo xaaladdeeda lagu daryeelayay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Maamulka arrimaha caafimaadka ee gobolka Afrin ayaa qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu ilaalinayo badqabka gabadhan yar ee lagu magacaabay Aya si looga hortaggo suurtagalnimada ah in la afduubto iyo khiyaanada la xiriirta korsashadeeda, sida ilo wareedyo ay BBC-da u sheegeen.

Isniintii, rabshado ayaa ka dhacay isbitaalka lagu daweynayay gabadha yar oo ku yaalla deegaan ay heystaan mucaaradka Suuriya.

Nin kalkaaliye caafimaad ah oo ay la socdeen laba nin oo hubaysnaa ayaa la sheegay inay garaaceen maareeyaha isbitaalka lagu daryeelayay gabadha.

Madaxa arrimaha caafimaadka ee isbitaalka Afrin, Dr Ahmad Hajj Hassan ayaa beeniyay wararka baraha bulshada lagu baahiyay ee sheegayay in la fashiliyay isku day la doonayay in lagu afduubto Aya.

“Eedaynta la xiriirta afduubka waa mid ka dhalatay isfaham la’aan. Tani waxay ahayd arrin la xiriirta isbitaalka oo dhan, wax xiriir ahna lama lahayn gabadha yar,” ayuu u sheegay BBC-da.

Kumanaan kun oo qof ayaa toddobadakii hore ballan qaaday in ay korsadaan gabadha ee lasoo badbaadiyay, ka dib markii ay sheekadeeda si weyn u baahiyeen warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka caafimaadka waxaa ka go’an in ay mudnaanta siiyaan daryeelkeeda oo ay si taxadar leh uga shaqeeyaam habka loo korinayo gabadha, sida laga soo xigtay il wadareedyada.

Aya hooyadeed waxa ay foolatay wax yar ka dib markii gurigooda oo ku yaala magaalada Jindayris uu burburiyay dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.8-magnitude kaasoo ku dhuftay koonfurta Turkiga 6-dii Febraayo.

Hooyadeed waxay geeriyootay markii ay dhashay Aya oo xilliggii lasoo badbaadinayay aan ka go’in xuddunta hooyadeed oo meyd aheyd, dadkii gurmadka waday ayaa gabadha yar oo nool arkay xilli ay ka laalaaday xuddunta hooyadeed, waa mid kamid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee lagala kulmay dhulgariirka.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay nin sitay cunuga yar, oo uu boor qariyay, ka dib markii laga soo saaray dhismayaasha burburay.

Aabaheed, afar qof ay walaalo ahaayeen iyo habaryarteed ayaa sidoo kale ku dhintay masiibadaas.

Khaliil al-Suwadi, oo ay qaraabo yihiin gabadhan yar oo goob joog ahaa xilliggii lasoo saarayay Aya ayaa wuxuu u qaaday isvutaalka Afrin halkaasoo xaaladeeda caafimaad lagu la tacaalayo.

Dr Hani Marouf, oo ah dhakharad daryeesha carruurta ayaa BBC-dau sheegtay in Aya ay dhalatay iyadoo ku jirta xaalad xun, “Waxaa lagu arkay nabarro, qabow bey dareemeysay, xooggaa yar wey neefsaneysay”.

Waxya intaa ku dartay in maalintii xigtay xaaladda caafimaad ay soo wanaagsanaatay kadib markii ay daweysay.

Maamulaha isbitaalka, Khalid Attiah, ayaa sheegay in xaaskiisa ay naaska nuujineysay Aya iyada iyo gabadhooda oo afar bilood jirta ayna daryeeli doonaan ilaa inta ay ka koreyso.

Magaalada Jindaryis, oo qiyaastii 8km (5 mayl) u jirta xudduudda Turkiga, ayaa ka mid ahayd magaalooyinka sida ba’an uu saameeyay dhulgariirkii Suuriya. Ilaa 200 oo dhismo oo halkaasi ku yaalla ayaa gebi ahaanba dumay.

Kooxaha koofiya casta, oo kamid ah kooxihii ugu horreeyay ee sida mutadawacnimo ah ugu gurmada dadka uu saameeyay dhulgariirka Suuriya ayaa sheegay in 517 meydad ah laga soo saaray dhismayaasha burburay hoostooda.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Waqti Badan Qaatay Diyaaradana Ka Qayb galeen oo Ka Dhacay Hiiraan
Next articleGalmudug oo 60 Shabaab Ah ku Dilay Dagaal Iyo Duqeymo Ka Dhacay Gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here