Home Wararka Maanta War ka soo kordhay Markabkii ay Xuutiyiintu gantaalka ku dhufteen shalay

War ka soo kordhay Markabkii ay Xuutiyiintu gantaalka ku dhufteen shalay

0

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa cambaareysay weerarkii shalay oo Talaado ahayd ay ku bartilmaameedsadeen Xutiyiinta Yemen Markab ganacsi oo laga leeyahya dalka Norway.

Weerarka ayaa sababay in dab ka kaco Markabka laakin cidna wax kuma noqon.

Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray in ay xanibi doonaan maraakiibta ku wajahan Israa’iil ilaa ay Israa’iil joojinayso duullaanka ay ku hayso Qasa, taasoo ay ku sheegeen in ay muujinayso taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta..

Bishii Nofembar, ayaa Xuutiyiintu waxay qabteen markab xamuul ahaa oo ay leeyihiin Ingiriiska iyo Japan kaas oo ka diiwaan gashan Bahamas.

Ad
Previous articleDowladda Turkiga oo cadaadis lagu saarayo soo celinta wiilka madaxweynaha Soomaaliya
Next articleMeydadka Dhalinyaro Somali ah oo laga helay Guri ku yaala Gobolka Ohaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here