Warbaahinta kala ah Reuters iyo Al Jazeera ayaa ku soo warramaya, in qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo waqooyiga Qasa, gaar ahaanna waqooyiga- galbeed ee magaalada Qasa.
“Dhacdadan ayaa daba socota iyadoo hawada marinka Qasa ay dul heehaabayaan diyaaradaha milatariga Israa’iil ee aan duuliyaha lahayn iyo diyaaradaha dagaalka,” ayuu yiri Tareq Abu Azzoum Azzoum, oo ah wariye ka tirsan Al Jazeera, kaa soo ka soo warramayay magaalada Khan Younisee koonfurta Qasa.
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah ayaa ku soo warrameysa dhaqdhaqaaqyo ka socda waqooyiga galbeed ee Qasa.
Mar sii horreysay, militariga Israa’iil ayaa sheegay inay ka hortageen weerar gantaal, meel u dhow xudduudda Gaza.
Waxaa soo gabo-gaboobay heshiiskii Israa’iil iyo Xamaas, welina ma jiraan warar la xiriira kordhinta mudada heshiiskaas, iyadoo ay dedaallo wadeen Mareykanka, Masar iyo Qadar.
Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay