Home Wararka Maanta War Deg Deg:Ciidanka dowladda iyo kuwa macawisleyda oo dib u qabsaday degmooyinkii...

War Deg Deg:Ciidanka dowladda iyo kuwa macawisleyda oo dib u qabsaday degmooyinkii ay bilooyin ka hor ka baxeyn

0

Ciidanka dowladda iyo kuwa macawisleyda oo dib u qabsaday degmooyinkii ay bilooyin ka hor ka baxeyn

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Macawislayda ayaana Guud ahaan Goordhow Gacanta Ku dhigay Degmada Ruunirgood ciidamada Dowlada ayaana Haatan ku Sugan Gudaha Magaalada iyagoo Baaritaano Xoogan Halkaas Ka wada.

Ciidamada Dowlada ayaana Durbadiiba Fariisimo ka Samaystay Saldhiga Degnadaas.

Sidoo kale Ciidamada Dowlada ayaa la wareegay Deegnada Ceelbacad Cali Hayli iyo Hilowle Gaab oo Dhamaantood Hoostaga Degmada Ruunirgood Arintaan ayaana Ka Dhigan in Guud ahaan Gobalka Shabeelada Dhexe laga Saaray Alshabaab.

Majirin Wax Dagaal ah Ama Iska Caabin ah oo Ciidamada Dowladu ay kala kulmeen Alshabaab kii Horay u joogay Degaanada Saakay Laga Qabsaday Alshabaab ayaana Isaga Baxay Markii ay ka War heleen in Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Macawislaydu Kusoo wajahanyihiin.

Dhanka Kale Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Macawislayda ayaa Saakay Howlgalo Culus ka Bilaabay Koonfurta Gobalka Mudug.

Sida aan xogta Ku Helnay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Amar ku Bixiyay in Dib loogu Laabto Goobihii bilo Ka Hor Ciidamada Dowladu ay kasoo Baxeen Sida Masagawaa Galacad Celdheer Wabxo iyo Ceelbuur.

Alshabaab ayaana Haatan Haysan awood Ay isaga Caabiyaan ciidamada Dowlada ee Dib loosoo Qalabeeyey Manajirin In Mudo ah Wax Weerar ah ay  ku Qaadeen Saldhigyada Ciidamada Dowlada iyo kuwa Macawislayda Taas oo Muujinaysa in Alshabaab Lakala Jaray aysan Isku Gurman Karin.

 

Ad
Previous articleMeydadka Dhalinyaro Somali ah oo laga helay Guri ku yaala Gobolka Ohaayo
Next articleWilliam Ruto oo ku dhawaaqay in kenya Visa la,aan la tagi karo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here