Home Wararka Caalamka War Deg Deg ah:Qarax ka dhacay bartamaha Tel Aviv

War Deg Deg ah:Qarax ka dhacay bartamaha Tel Aviv

0

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay bartamaha Tel Aviv subaxnimadii hore ee jimcaha uu ka dhashay weerar ay diyaarad Drone ah ay fulisay.

Adeegga ambalaasta ee Israa’iil ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhacay meel u dhow qunsuliyadda Mareykanka uu sababay dhimashada hal qof oo ka dhacay dhismo ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay iyo kuwa kale oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay dad Israa’iiliyiin ah oo isku soo ururay dhismo uu muraayadaha ka burburiyay qaraxa.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay goor sii horeysay in kooxdu ay fuliyeen howlgal tayo leh oo ay ku bartilmaameedsadeen Tel Aviv.

Ad
Previous articleNin ka Tirsanaa Alshabaab oo Saakay la Toogtay iyo Gadiid Shidaal Uwaday oo Lagu Qabtay Galmudug(Sawiro)
Next articleWar Deg Deg ah:Ninkii Caanka ahaa Ee Dulqarnayn oo Goordhow ku Geeriyooday Magaalada Laasacaanood kadib markii la dilay