Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH:Alshabaab abaabulaayay Dagaal oo La laayay iyo Dowlada oo...

WAR DEG DEG AH:Alshabaab abaabulaayay Dagaal oo La laayay iyo Dowlada oo war kasoo saaratay

0

Howlgal qorsheysan oo fuliyeen ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada howl-galka Mareykanka ee AFRICOM ayaa saaka lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada howl-galka Mareykanka ee AFRICOM ayaa si wada-jir ah howl-galkaan qorsheysan ka fuliyay deegaan u dhow magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howl-galkaan ayaa waxaa lagu burburiyay goob wayn oo fariisin u ahayd kooxda Al-Shabaab, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo goordhoweyd ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Goobta la burburiyay ayay dowladda sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay ka wadeen abaabul xooggan, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda, loogana xoreynayo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale waxaa howl-galkaan ay ciidanka qaranka iyo taliska AFRICOM iska kaashadeen lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaanka dowladda.

Deegaanka laga fuliyay howl-galkaan ee ku taallay goobta muhiimka u ah Al-Shabaab ayaa waxa uu 35km Koofur bari uga beegan yahay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howl-galada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya deegaannada hawdka ah, xilli dhawaan uu bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore.

Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulka Galmudug, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka.

Ad
Previous articleAabbaha gabadha uu sheekhu diiday inuu mehriyo oo hadlay
Next articleCiidamada Dowlada oo Deegaano Cusub oo Ka Tirsan Galmudug kala Wareegay Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here