Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Xeer ilaayaha Guud ee Qaranka oo Shaaciyay Magacyada...

WAR DEG DEG AH: Xeer ilaayaha Guud ee Qaranka oo Shaaciyay Magacyada Masuuliyiin Musuq Sameeyey oo Dalka Ka Baxsad

0

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa oo ay haatan waddo dowladda Soomaaliya.

Suleymaan Maxamed ayaa shaaciyay liiska 18 mas’uul oo ku eedeysay xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo uu tilmaamay inay baxsad ka yihiin cadaaladda.

Xeer ilaaliya ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay dabagal ku heyso shaqsiyaadkaasi, isla-markaana ay ku rajo weyn yihiin in cadaaladda la horkeeno mas’uuliyiintaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay wada shaqeyn la laheydn Booliska Caalmiga ee Interpl, isla-markaana ay la kaashan doonaan kiiskan, si gacanta loogu soo dhigo eedeysayaasha baxsadka ah oo haatan ku sugan dalka dibaddiisa.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka dadka baxsadka ka Ah sharciga ee Magacyadooda la sheegay waxaa ugu waaweyn, Maxamed Aadan Koofi Taliyihii Hay’adda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo hadda haya xilka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Iyo Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey).

Saddexdaas kaliya ayaa kujia rag waaweyn oo xilal muhiim ah qabtay.

Arrintan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay dowladdu u xirtay mas’uuliyiin dhowr ah oo loo heysto musuq, kuwaas oo la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

 

Ad
Previous articleMadaxa Wagner oo la shaaciyey Halka Uu ku suganyahay iyo Cabsi Hor leh oo Soo Baxday
Next articleAkhriso: Magacyada Eedaysanaayasha oo Dhamaystiran ee Xatooyo Xoolo Dadwayne lagu soo oogay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here