Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa oo ay haatan waddo dowladda Soomaaliya.
Xeer ilaaliya ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay dabagal ku heyso shaqsiyaadkaasi, isla-markaana ay ku rajo weyn yihiin in cadaaladda la horkeeno mas’uuliyiintaasi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay wada shaqeyn la laheydn Booliska Caalmiga ee Interpl, isla-markaana ay la kaashan doonaan kiiskan, si gacanta loogu soo dhigo eedeysayaasha baxsadka ah oo haatan ku sugan dalka dibaddiisa.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka dadka baxsadka ka Ah sharciga ee Magacyadooda la sheegay waxaa ugu waaweyn, Maxamed Aadan Koofi Taliyihii Hay’adda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo hadda haya xilka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Iyo Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey).
Saddexdaas kaliya ayaa kujia rag waaweyn oo xilal muhiim ah qabtay.
Arrintan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay dowladdu u xirtay mas’uuliyiin dhowr ah oo loo heysto musuq, kuwaas oo la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.