Hoggaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, Yevgeny Prigozhin oo hoggaaminaya kacdoon ka dhan ah madaxda Moscow, ayaa sheegay in dagaal-yahanadiisa ay qabsadeen xarunta ciidamada ee magaalada Rostov-on-Don.
Dagaal-yahanada Wagner ayaa xalay Ruushka uga soo gudbay dhinaca dalka Ukraine, waxayna qabsadeen xarunta ciidamada ee magaalada koonfureed, oo saldhig muhiim u aheyd ciidamada Moscow ee ka dagaalamaya Ukraine.
“Muxuu waddaanka inoo taageerayaa? Sababtoo ah waxaan u dhaqaaqnay caddaaladda,” ayuu Prigozhin ku yiri codkii ugu dambeeyey ee uu soo dhigay barta Telegram.
Waxa uu sheegay in ciidankiisa calooshad u shaqeystayaasha “aysan taaban hal askari.” “Ma dilin xitaa hal qof, inkasta oo duqeyn na lagu sameeyey oo hubka culus iyo diyaarado qumaatiga u kaca na lagu soo weeraray,” ayuu yiri.
Prigozhin ayaa sheegay in dagaal-yahanadiisa ay miinooyin ka saareen bannaanka dhismaha ay qabsadeen Wagner ee ku yaalla Rostov.
“Marka ay noqoto khiyaanada qaran ee dhulka hooyo: madaxweynaha aad ayuu khaldan yahay. Waxaan nahay waddiniyiinta dhulkeena hooyo,” ayuu yiri
Madaxweyne Putin oo wajahaya loolankii ugu adkaa ee la geliyo xukunkiisa 23 sano jirka ah, ayaa wacad ku maray inuu burburin doono kacdoonka Wagner, oo uu la meel dhigay dagaalkii sokeeye ee qarni kahor ka daalay Ruushka.
Putin ayaa sheegay in jiritaanka Ruushka uu hadda halis ku jiro.
“Waxaan u dagaalamaynaa nolosha iyo ammaanka dadkeena, madax-bannaanideena iyo xoriyaddeena, iyo in Ruushka uu sii jiro, qaran leh kun sano oo taariikh ah,” ayuu yiri.
“Dhammaan kuwa sida ula kaca ah u qaaday waddada khiyaanada, ee diyaariyey jabhad hubeysan, kuwa qaaday waddada baqo maalidda iyo marinada argagixisada, waxay wajihi doonaan ciqaab aan laga baxsan doonin, waxaan u jawaabi doonnaa sharciga iyo dadkeenaba,” ayuu yiri Putin.
Ciidamada Wagner ayaa weli kusii socda Moscow, halkaasi oo hoggaamiyaha kooxdan uu wacad ku maray inuu qabsan doono.