Goordhow ayay aahayd markii Qaraxyo waawayn laga Maqlay Gudaha Suuqa bakaaraha .
Goobjoogayaal ku sugan Bakaaraha ayaa noo sheegay in Hoobiyaal lagu garaacay aagga Masaajidka Abaa Hureyra Hoobiyaasha ayaana Gaaraayay ilaa 4 Hoobiye.
Lama oga ilaa Hada Halka laga Soo Tuuray iyo Halka loowaday
Wararka ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal ah oo gaaraya illaa 4 ay ku dhaceen gudaha suuqa gaar ahaan nawaaxiga Masjidka Abuu Hureyra, kuwaas oo dhaliyay khasaare u badan dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ku dhintay ku dhowaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
Dhaawacyada ayaa si deg-deg ah loola cararay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo.
Ad