Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Saraakiil Imaaraad ah oo lagu Dilay Muqdisho

War Deg Deg ah: Saraakiil Imaaraad ah oo lagu Dilay Muqdisho

0

Sida ay xaqiijinayaan warar hordhac ah oo laga helayo magaalada Muqdisho, weerar ayaa ka dhacay gudaha xerada Imaaraatka Carabta ee Jen, Gordan Muqdisho, waxaa la xaqiijinayaa dhimashada 6 kamid ah saraakiishii Ajnabiga ahayd ee Imaaraatka Carabta u joogtay xeradaas iyo 8 sarkaal oo Soomaali ah.

Saraakiisha la dilay ajaaniibta ah ayaa masaajidka kutukanayay, Askari hubeysan ayaa weerarkan fuliyey.

Saraakiisha Imaaraatka ee dhimatay ayaa ah 3 Sarkaal oo darajada u hooseysa Kabtan ciidan tahay.

1- Col, Maxamed Mubaarak- wuxuu ahaa Sarkaalkii u sareeyey Howlgalka Imaaraatka Carabta ee Koonfurta Soomaaliya/Muqdisho.

2- Sarkaalkii Imaaraatiga ahaa ee haysta Xerada, Jen, Gordan ayaa kamid noqday dadka dhintay.

3- Madaxii Qeybta Tababarka oo Imaaraati ah ayaa kamid noqday saraakiisha dhimatay.

4- Madaxii Ilaalada Carabta oo dhinaca kalena haystay ciidanka Ajnabiga ah una dhashay Afrika ayaa la dilay.

5- Madaxii Gaadiidka iyo Saadka oo Ajnabi u dhashay Afrika ayaa dhimashada kamid noqday.

6- iyo 9 Sarkaal oo Soomaali iyo Ajnabi ayaa iyana ladilay.

Urur gaar ah oo laga xulay ciidankii ay Imaaraatka tababareen ayaa masuuliyada xerada hayay, kaas oo uu kamid ahaa Askariga dilkan geystay goor dhaw.

Ad
Previous articleMadaxweyne Talada dhulka dhig Shiikh Shariif, Khayre iyo Cabdiraxman Cabdishakuur oo Xasan Shiikh Qoraal Xasaasi ah kasoo Saaray
Next articleDowlada imaaraadka oo War kasoo Saartay Saraakiishii looga Laayay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here