Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu Mudane Axmed Jaamac Cumar u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa uu kula dardaarmay xubnahaan cusub in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.
Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:Qodobka 97-aad faqradiisa 3-aad e Dastuurka KMG.
Qodobka 98-aad faqradiisa 2-aad Xar. A iyo B ee Dastuurka KMG.
Qodobka 100-aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.
Howlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda JFS.
Markuu garowsaday: Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:
- Mudane, Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
- Mudane, Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.

