Home Wararka Somaliya Puntland Hooyo Ubax Cabdi Cismaan oo Qoorta ka Jaryay Laba Cunug oo ay...

Hooyo Ubax Cabdi Cismaan oo Qoorta ka Jaryay Laba Cunug oo ay Dhashay oo Gacanta Lagu soo Dhigay

0
Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan Booliska magaalada Qardho ayaa gacanta ku soo dhigay hooyo laba carruur ah oo ay dhashay ku dishay gudaha magaaladaasi, kadib howlgal ballaaran oo ay xalay sameeyeen.

Haweeneydam oo lagu magacaabo Ubax Cabdi Cismaan ayaa waxaa haatan lagu xiray saldhigga Booliska ee magaalada Qardho, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga.

Labada cunug ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maajiid Maxamed Cabdi oo jiray hal sano iyo 8 bilood iyo Maysoon Maxamed Cabdi oo jirtay hal bil iyo 5 cisho.

Howlgalka lagu soo qabtay haweeneydan ayaa waxaa horkacayay taliyaha saldhiga dhexe ee Qardho, Carab Aadan Hayaan, wuxuuna sheegay in haweeneydaan la hor geyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan uu billowday baaris qoto dheer oo la xiriirta dhacdadaas xanuunka badan oo murugu ku reebtay ehellada iyo dadka deegaanka.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka carruurta ayaa haatan kusoo badanaya gudaha dalka, waxaana aheyd xalay markii ciidamada Booliska gobolka Banaadir ay degmada Cabdicasiis kasoo qabteen Aabe Maxamad Cali Cilmi oo ku eedeysan inuu mindi ku dilay wiilkiisa oo ahaa 6 sanno jir.

Eedeysanaha ayaa waxaa haatan ku socdo baaris dheeraad, ayada oo haatan loo gudbiyay hay’adaya ku shaqada leh, si tallaabo adag looga qaado.

Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Aabe Maxamed Cali Cilmi uu xanuunsan yahay, isla-markaana uu qabo xanuun dhimmirka ah.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa walwal ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si weyn loo baahiyay baraha bulshada, ayada oo dad badana ay ka falceliyeen falkaasi.

Ad
Previous articleNin kalluumeysato ahaa oo meydkiisa laga dhex helay yaxaas liqay
Next articleWAR DEG DEG AH : R/Wasaare Xamza oo magacaabay xubno cusub oo wasiirro ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here