Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kaddib markii meesha laga saaray musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.
“Wuxu marka uu yahay cadaalada iyo itus oo itaabsi damiirka dadku waa ku qancaya, waxaa rejaynayaa in raali la noqday. Waxaa isku deynay in shaqadaan cibaadada ah Ilaahay uga baqno oo dadka Soomaaliyeed aan u fududeyno in alaala inta u fududeyn karno, maadama aan ka bixin karin aan inay wax iska bixin karaan u fududeyno intii nooga aadaneyd,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladda ka daba tagtay oo hal hal usoo eegtay adeegyada ay helaan xujeyda Soomaaliyeed iyo qiimayaasha markii hore la iska dul dhigan jiray, kuwaasi oo meesha laga saaray.
“Waa guul weyn oo la gaaray iyo meel fog oo laga keenay waxayna ku timid in musuqii laga saaray meesha oo la isku daalac naasiliyay isaga oo isha lagu hayo qofka muwaadinka ee Xaajiga ah.”