Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Mucaaradka Puntland oo Soo saaray Jadwal Doorasho oo...

War Deg Deg ah: Mucaaradka Puntland oo Soo saaray Jadwal Doorasho oo ugaar ah

0

Mucaaradka Puntland ee kasoo horjeeda madaxweyne Saciid Deni ayaa goordhoweyd soo saaray jadwal doorasho oo cusub, gaar ahaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada Puntland.

Bayaan kasoo baxay Dallada Mucaaradka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay qabanayaan 8-da January ee 2024-ka.

“Dalladu waxay u aragtaa lagama maarmaan in la qabto doorasho ku dhacda waqtigeeda 8-da Janaayo si looga baaqsado firaaq dastuuri ah. Sidaas darteed, Dalladu waxay halkaan kusoo gudbinaysaa Jadwalka xulista Baarlamaanka, Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mucaaradka, kadib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Garoowe.

Jadwalka Mucaaradka uu soo saaray ayaa waxaa ku xusan in 31-da bisha December la shaacinayo liiska xildhibaanada cusub, halka ay bilaabaneyso 5-ta December qabashada dukumintiyada xildhibaanada cusub.

1-da January ayaa sidoo kale waxaa la dhaarinayaa xildhibaanada, halka 4-ta January la dooranayo gudoonka golaha wakiilada maamulka Puntland, sida ku qoran jadwalka doorasho ee mucaaradka uu maanta soo saaray.

Jadwalkan doorasho ee uu soo saaray mucaaradka ayaa ka hor imanaya jadwalka uu dhawaan soo saaray guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni.

Jadwalka guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxa uu dhigaya in doorashada Madaxtooyadda Maamulka iyo Baarlamaanka Puntland ay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka.

“Guddiga Madaxa-banana ee Doorashooyinka Puntland markuu la tashaday xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale waxa uu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la isa-saaro hal marna la wada qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka PEC.

Si kastaba, Arrintaan ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan Garoowe ee salka ku haysa khilaafka doorashooyinka, xilli xeerka doorashooyinka Puntland loo qeybiyey golaha Wakiilada Puntland, kaasi oo ay u gudbiyeen Golaha Wasiiradda.

 

Ad
Previous articleBoqollaal qof oo xaramka u socday oo diyaaraddii siday laga celiyay Sacuudiga
Next articleAlshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Gobalka Hiiraan iyo Dagaal Saacado badan Qaatay Oo Wali Sooconaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here