Home Wararka Somaliya Galmudug WAR DEG DEG AH: Maleeshiyaad Ka Tirsan Alshabaab oo isku Dhiibay Ciidamada...

WAR DEG DEG AH: Maleeshiyaad Ka Tirsan Alshabaab oo isku Dhiibay Ciidamada Galmudug(Sawiro)

0

Xarardheere: labo kamid ah dagaalamayaasha kooxda  AS ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee Degmadaasi ku sugan, waxaa ayna kooxda hore uga biireen gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Magacyooda ayay ku kala sheegeen cabdifitaax abdulahi shiekh (hamze) iyo Cabditaax aadan Abiikar ( ibnu dayib) oo labaduba kasoo fakadey furimaha kooxdu uga jirto aaga deegaanka Caad oo ay duqeymo xoog leh ku socdeen maalmihii lasoo dhaafay.

Xubnahan kooxda kasoo baxay ayaa sheegay in ay ku adkaatay noloshii ay ku jireen oo ay isugu darsantahay cabsi ay ka qabaan duqaymaha iyo saadka oo gabaawsi ku ah xubnaha duurka ku dhuumaleysanaya.

Ad
Previous articleKu dhawaad 4 saac oo la baarayey guriga madaxweynaha Maraykanka maxaa laga helay?
Next articleMadaxweyne Wilyam Ruuto oo Shaaciyay Qaabka Lagu Soo Afjari karo Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here