Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani.
War ka soo baxay taliska Boliiska ayaa lagu sheegay in Abuu Albara lagu dilay weerar Kooxda,Daacish ku qaadday Balli-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00 Habeenimo 12kii Bishaan January.
“Iska hor-imaadka ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo xilkaan ay u magacaabeen 11kii, July 2021 xilligaas oo la dilay madaxii hore ee hawl-galada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boliiska.
Dhagar qabe Abu-Albara ayuu Boliiska Puntland sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia isla markaana uu Ethiopian badan ku qasbay in ay Khawaarijta Daacish ku biiraan.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay
Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay
Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu
Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa