Ugu yaraan laba qarax ayaa caawa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana laga helayaa faahfaahino hordhac ah, inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan goobaha la beegsaday.
Guriga wasiirka ayaa ku yaalla Suuq Bacaad, waxayna xogta hordhaca ah sheegeysaa in qaraxaas uusan khasaare nafeed ka dhalan.
Qaraxa labaad wuxuu ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, waxaana lala beegsaday guri uu dhisme ku socday.
Guriga la weeraray wuxuu ahaa Dabaq, waxaana ku socday dhisme oo lama deganeyn, ilaa hadana lama soo werin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas oo ahaa miino lagu xiray dhismaha qabyada ah.
In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta loo weeraray guri dhisme ku socday oo aan la deganeyn, hadana waxaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab canshuur loo diiday ay weerarkaan qaadeen.
Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan soo saarin qaraxyadaan oo daqiiqado yar kala dambeeyey.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka nasatay qaraxyadii ay ka fuli jirtay kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa gaadiidka lagu soo raro.
Balse waxaa weli ka dhaca meelaha qaar qaraxyada miinada ama bam-gacmeedka loo adeegsado.