Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Joe Biden oo Amray In Ciidamada Maraykanka Dib...

War Deg Deg ah: Joe Biden oo Amray In Ciidamada Maraykanka Dib loogu Celiyo Soomaaliya

0

Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa saxiixay amar u ogolaanaya millatariga inay mar kale boqollaal ka mid ah ciidamada hawl-gallada gaarka ah geeyaan gudaha Soomaaliya.

Talaabadan ayaa meesha ka saaraysa go’aankii Madaxweynihii hore Donald J. Trump uu ku dhawaad ​​700 oo askari oo dhulka ah  kaga soo saaray Somalia

Mr. Biden ayaa ogolaaday codsi ka yimid Pentagon-ka oo ku saabsan in la beegsado ku dhawaad ​​12 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida.

Tan iyo markii Mr. Biden la wareegay xafiiska, duqeymaha cirka ee ciidamada Mareykanka ayaa inta badan ku koobnaa kuwa loogu talagalay in lagu difaaco ciidamada Dowlada Somalia ee wajahaya khatar degdeg ah.

Go’aamada uu soo saaray Mr. Biden ayaa dib u soo noolayn doona hawlgal furan oo ciiadmada Maraykan kula dagaalamayaan argagixisanimada.

Talaabadan ayaa ka duwan go’aankii uu sanadkii hore ciidamada Mareykanka uga saaray Afghanistaan

Mr. Biden ayaa saxiixay soo jeedinta Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin III horaantii May, sida ay saraakiishu sheegeen. Bayaan ay soo saartay, Adrienne Watson, afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, ayaa ku qiratay tallaabadaas, iyadoo sheegtay in ay suuragelin doonto “dagaal wax ku ool ah oo ka dhan ah Al Shabaab.”

“Go’aanka dib-u-soo-celinta joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Somalia waxaa loo gaarey si loo kordhiyo badbaadada iyo waxtarka ciidamadeena oo aan awood u siinno inay bixiyaan taageero wax ku ool ah ” ayay tiri.

Ms. Watson ma aysan tilmaamin tirada ciidamada uu militarigu u diri doono Somalia. Laakin saraakiil magacooda ka gaabsaday ayaa wargeyska New York Times  u sheegay in qiyaastii 450 illaa 700 oo askari loo dirayo Somalia Taasoo beddeli doonta nidaamkii ay ciidamada Maraykanka ee tababaridda iyo la-talinta ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay muddo kooban joogeen tan iyo markii Mr. Trump uu soo saaray wax ay Ms. Watson ku tilmaantay. “Go’aan degdeg ah oo ka noqoshada.”

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleSaraakiil Ka Tirsan ahlusuna oo Wali Diidan inay Hubka Wareejiyaan Iyo Xiisad Kale oo Ka Taagan Guriceel
Next articleP.M Rooble iyo Qaar ka Mid ah Golihiisa Wasiirada oo lakulmay Madaxweyne Xasan Shiikh(Sawiro)