Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Iskuday lagu Afganbinaayay abiya Axmed oo Fashilmay

War Deg Deg ah: Iskuday lagu Afganbinaayay abiya Axmed oo Fashilmay

0

Wararka ka imaanaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya in dowladda ay xabsiga dhigtay koox isku diyaarineysay inay afgambiyaan dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Illaa 50 qof ayaa la xiray maanta kadib markii looga shakiyay in ay wadeen qorshe ay ku “afgambinayaan” dowladda Abiy Axmed.

Shan kamid ah dadkaan waxaa lagu xiray caasimadda Adisa Ababa, kuwaasi oo si gaar ah loogu eedeeyay in ay isku dayeen qorshayaal lagu dilayo saraakiil, islamarkaana lagu afgambinayo dowladda ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu hoggaamiyo.

Arrintaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday oo baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha.

Ciidamada ammaanka iyo kuwa sirdoonka Ethiopia oo raggaan soo qabtay ayaa sheegay in ay huriyeen rabshado amni darro oo ka jira dalkaasi, gaar ahaan caasimada Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaare Abiy iyo xukuumaddiisa ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeysyo gudaha iyo dibadda ah, taasi oo loo aaneynayo inay ku timid siyaasad xumada Abiy, xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay damaca guracan ee Abiy uu ku rabo inuu ku qaato dhul badeed kamid ah biyaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleFaahfaahin Sarkaal sare ‘oo ka badbaaday’ qarax xeradiisa loo geliyay
Next articleXildhibaandii Ugu Badnaa oo Ka Horyimid Qorshihii Xasan shiikh ee Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here