Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Hotel ku Yaala Xeebta Liido oo lagu Qaaday...

WAR DEG DEG AH: Hotel ku Yaala Xeebta Liido oo lagu Qaaday Weerar Ku Bilowday qaraxyo

0

Jugta qarax xooggan ayaa goordhow laga maqlay aagga xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Wararka soo gaaraya Mudug 24 ayaa sidoo kale sheegaya in la maqlayo rasaas xooggan oo dhaceysa.

Hotel Lagau Magacaabo Pearal Beach ayaa La Sheegay in Lagu Qaaday wewrar ku Bilowday Qarax kadibna Ay Rag Hubaysan Gudaha Ugaleen.

Rasaas ayaana Ilaa Haatan Ka Dhacaysa gudaha Hotelkaas Waxaana kala cararay Dadkii Ku Qaxwaynaayay Xeebta Liido.

Dad badan ayaa goobta Qaraxa ku go’doonsan, waxaana jira dhaawacyo badan. Laba nin oo xiran Jaakadaha Qarxa ayaa is miidaamiyey oo naftooda halligay. Kadiba waxaa billaabatay Rasaas.

Jug saddexaad oo xooggan ayaa hadda laga maqlay aagga uu Qarraxa ka dhacay ee Liido.

 

Ad
Previous articleQarax Ay Ku Dhinteen 22 Caruur ah oo ka Dhacay Qoryooleey
Next articleCiidamada Dowlada oo ugu Danbayn Soo Afjaray Weerarkii Lagu Qaaday Hotelkii Xeebta Liido

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here