Home Wararka Somaliya Galmudug War Deg Deg ah: Ganacsato aano Qabiil loogu Dilay Bartamaha Caasimada Galmudug...

War Deg Deg ah: Ganacsato aano Qabiil loogu Dilay Bartamaha Caasimada Galmudug Dhuusamareeb

0

Fal aad u Foolxun oo ay ka Xumaadeen inta Badan Dadka Reer Galmudug ayaa Caawa ka Dhacay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareb.

Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb
Alaha u naxariisto  Marxuum Sh Hassan Diirshe  cade iyo Marxuum kale oo lagu magacaabi jiray Siciid Tahliil ayaa  Maqribnimadii Caawa lagu Dilay Bartamaha Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb labada nin ayaa Ahaa Ganacsato kasoo Jeeda Magaalada Cadaado kuwaas oo Goobo Ganacsi kulahaa Dhuusamareeb.

Rag u Dhashay Magaalada Dhuusamareeb kanasoo Jeeda Beesha Cayr ayaa Rasaas ku boobay Ragaan kuwaas oo Durbadiiba Ka Baxsaday Goobta Dilku ka Dhacay.

Dilalkaan ayaana Waxaa lala Xariirinayaa Dagaal Beesha Saleebaan iyo Cayr Shalay Ku Dhexmaray Magaalda Xananbuure ee Gobalka Galgaduud

 

Ad
Previous articleFiqi oo Sheegay inay puntland Qayb ka ahayn Heshiisyada Mudo korarsiga Loo Samaaynaayo maamul goboleedyada
Next articleMadaxweynihii Hore ee Galmudug oo Goordhow Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here