Xulka maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.
Waxaa sidaas maanta kusoo afmeermay ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho gaar ahaan Stadium Muqdisho.
Ciyaartan ayaa aheyd mid xiiso badan, ayada oo boqolaal kun oo qof ay u daawasho tageen garoonka, halka ay kumanaan kalena kala socdeen tabinta tooska ah.
Ammaanka Garoonka iyo guud ahaan hareerihiisa ayaa maanta ahaa mir si weyn loo adkeeyay, ayada oo Booliskii ugu badnaa ay sugayeen amniga ciyaartaan Final-ka aheyd ee Stadium Muqdisho.
Si kastaba, Kulankaan kama dambeysta ahaa ee ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa sidoo kale sawaxankiisu si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardiyeen, waxaana ugu dambeyntii guusha ay sidaas ku raacday xulka Galmudug.