Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Talaabo adag ka Qaaday Itoobiya

War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Talaabo adag ka Qaaday Itoobiya

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo dhan ah Itoobiya ayada oo goordhow hawada Soomaaliya ka celisay Diyaaradda Ethiopia Airlines, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in amarka uu kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, taas oo dib u celisay diyaaraddan oo wafdi Itoobiyaan ah u waday magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Diyaaradda ayaa ugu dambeyn ku laabatay magaalada Addis Ababa oo markii hore ay ka soo kacday, sida uu xaqiijiyay maareeyaha hay’adda duulista Axmed Macallin oo la hadlay Shabelle Tv.

Axmed Macallin ayaa sheegay in weli kiiska ku dhex jiraan, balse waxa uu xaqiijiyay in diyaaradda ay wadday dad muhiim ah, ayna dib ugu celiyeen Addis Ababa.

“Waan celinay diyaaradda, waxayna dib ugu laabatay Addis Ababa, waxay ahayd VIP” ayuu wareysiga ku yiri Axmed Macallin.

Wafdiga Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay shir uga qayb-geli lahaayeen magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, sida aan xogta ku helnay.

Go’aankan ayaa waxaa durbo ka dhashay hadal xoogan, waxaana soo dhoweeyay dadweynaha Soomaaliyeed si weyn u boggaadiyay tallaabada dowladda dhexe,

Si kastaba, arrintan ayaa sare usii qaadeyso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa, kaas oo ay diiday dowladda federaalka.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Saacado kadib Deg Deg uga soo laabtay Dhuusamareeb Maxaa Soo Kordhay?
Next articleMareykanka oo war cusub kasoo saaray heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay kowdii bishan wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here