Dawladda Soomaaliya ayaa qalinka kuduugtay Heshiis Shidaal Soo saarid ah oo ay horey Dawladdii M/weyne Farmaajo u diiday sharciyadiisa.
Heshiiskan ayaa wasiirkii hore ee Shidaalka Soomaaliya Mr, Sheekhaalow saxiixay, Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday sharciyada heshiiskaas oo aan lamarin Habraacyadii rasmiga ahaa, Mucaaradkii xiligaas oo uu horboodayay Madaxweyne Xassan ayaa Khiyaamo-Qaran kutilmaamtay oo lagu xaraashayo Kheyraadka dalka.
Maalmo kahor, Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in ay dhici doonaan go’aamo xasaasi ah oo ay layaabi doonaan dadka Soomaaliyeed, sidaas oo kale Mareykanka ayuu ka sheegay in ay kudhiiran doonan Shidaalka saxiixida heshiiskiisa.
PUNTLAND: ayaa dhawaan kahortimid dhammaan dadajinta Howlaha Shidaalka iyo Heshiisyadodoa.