Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Dhaqaatiir Ajaanib ah oo Alshabaab u Afduubnaa oo...

War Deg Deg Ah: Dhaqaatiir Ajaanib ah oo Alshabaab u Afduubnaa oo Duqayn lagu Dilay.

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa goordhow shaacisay inay geeriyoodeen laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo muddo sanado ah u afduubnaa kooxda

Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab kasoo afduubteen gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo caafimaad.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyey barta telegram ku sheegtay in dhaqaatiirtaas ay ku geeriyoodeen duqeyn ka dhacday magaalada Jilib. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM) ayaa 14-kii bishan sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq Dabeyl ee gobolka Jubada Hoose 9-kii Febraayo, halkaasi oo ay ku dileen laba xubnood.

Ilo-wareedyo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab ay ayaga dileen labada dhaqtar, kadib markii ay sanado badan ka faa’iideyteen oo ay dhaqaatiir u tababareen.

Muddadii Al-Shabaab ay gacanta ku haysay dhaqaatiirta, waxaa fashilmay isku dayo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo daayo.

Ad
Previous articleCiidamada Ukraine oo isaga baxay magaalo muhiim ah oo ay isku farasaareen kuwa Ruushka
Next articleMadaxweyne Xassan oo khudbad ka jeediyay shirka Midowga Afrika kana Hadlay Arinta Bada ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here