Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Dhaqaatiir Ajaanib ah oo Alshabaab u Afduubnaa oo...

War Deg Deg Ah: Dhaqaatiir Ajaanib ah oo Alshabaab u Afduubnaa oo Duqayn lagu Dilay.

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa goordhow shaacisay inay geeriyoodeen laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo muddo sanado ah u afduubnaa kooxda

Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab kasoo afduubteen gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo caafimaad.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyey barta telegram ku sheegtay in dhaqaatiirtaas ay ku geeriyoodeen duqeyn ka dhacday magaalada Jilib. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM) ayaa 14-kii bishan sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq Dabeyl ee gobolka Jubada Hoose 9-kii Febraayo, halkaasi oo ay ku dileen laba xubnood.

Ilo-wareedyo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab ay ayaga dileen labada dhaqtar, kadib markii ay sanado badan ka faa’iideyteen oo ay dhaqaatiir u tababareen.

Muddadii Al-Shabaab ay gacanta ku haysay dhaqaatiirta, waxaa fashilmay isku dayo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo daayo.

Ad