Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Deni oo Markale noqday Madaxweynaha Puntland kadib Doorasha...

War Deg Deg ah: Deni oo Markale noqday Madaxweynaha Puntland kadib Doorasha adag oo Dhacday

0

Magaalada Garoowe waxaa goordhow kusoo dhamaaday doorashadii madaxweynaha Puntland oo saaka ka bilaabatay magaaladaasi, taas oo si weyn loogu loolamay.

Doorashada ayaa waxaa wareegga labaad usoo gudubay saddex musharrax oo kala ah:- Saciid Deni, Dr Guuleed Saalax iyo Abshir Jaamac Huurse.

Saciid Deni oo hoggaanka haya ayaa 40 cod, halka Dr Guuleed Saalax Barre uu helay 17 cod, sidoo kale waxaa Abshir Huruuse oo uu helay 9 cod, sida lagu sheegay natiijada

Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee la dooran doono ayaa waxaa horyaalla shaqo adag oo ay ugu horreysao wax ka qabashada khilaafka haatan Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo inay qabtaan muddo xileedkooda doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxaa haatan la guda galayaa doorashada madaxweyne ku xigeenka labaad oo ay u taagan yihiin illaa 11 musharrax oo iyana shalay jeediyay khudbadahooda.

Dhanka kale, ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogayGaroowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.

Puntland ayaa maalmihii u dmabeeyay ku jirtay xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta loo fadhiyo ee ka socota caasimada Garoowe.

Si kastaba, Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana si toos ah loogala socdaa qaar kamid ah Telefishinnada Soomaalida iyo baraha bulshada intaba.
Ad
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya oo warkasoo Saaray bannaanbaxyadii ka dhacay gobolka Awdal
Next articleDowlada Soomaaliya oo War kaso Saaratay Doorashada layaabka Lahayd ee Ka dhacday Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here