Ciidamada Booliska Soomaaliya oo weli si wada howlgalladooda ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne) oo ah nin oday ah, isla markaana marar badan kasoo muuqday warbaahinta isaga oo dhaliilaya dowladda.
Booliska ayaa ninkan ku eedeeyay inuu u gefay garsoorka dalka, isla markaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay xukunno ay rideen maxkamadaha dalka.
“Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Dagmadda Waabari ayaa soo xiray Eedeysane Mascuud Cabdullaahi Afrax(Garweyne) Eedeysanahaan ayaa ku eedeysan in uu u gafay Garsoorka Dalka waxba kama jiraana ku tilmaamay xukunno kasoo baxay Maxkamaddaha Dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay booliska.
Sidoo kale taliska booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in eedeysanahan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.
“Waxaa deg-deg loo horgeyn doonaa Maxakamadda awooda uleh” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Soomaaliya.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha ammaanka guud iyo sareynta shariga, waxeyna markale uga digayaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan been abuurka Hay’addaha Cadaalada Dalka”.
Shalay booliska ayaa soo xiray 15 qof oo ka qayb qaatay dibad-bax rabshada watay oo ka dhacay Daarusalaam, kaas oo looga soo horjeeday awood qaybsiga maamulka degmadaasi.
Waxaa kasii horreeyay oo lasoo xiray Liiban Khaliif Abtidoon oo isna ka qayb-galay dibad-bax ay dhigeen ehellada Sayid Cali Macallin Daa’uud, isaga oo ku goodiyay inay ‘afgembi sameynayaan’ sidoo kale waxaa xabsiga ku jira gabdhihii uu ka dhex qarxay dagaalka qabiilka ee caanka ka ahaa baraha bulshada ee Internet-ka, gaar ahaan barta Tiktik-ga.