Wafdi iskugu jira wasiiro,maamulka Gobolka Galgaduud,maamulka caasimada Galmudug iyo saraakiil ciidan oo hay’adaha amniga ah ayaa maanta gaaray deegaanka Bohol oo kamida deegaanada hoostaga Dhuusamareeb.
Wafdiga ayaa waxaa soo dhawayn heersare ah usameeyay dadka deegaanka oo qaybaha bulshada kakooban iyo maamulkooda.
Ujeedada madaxdan kasocota hay’adaha kaladuwan ee dowlada Galmudug ay utageen deegaanka Bohol ayaa ah ukuurgalida xaalada ay abaartu kuyeelatay deegaanka oo muddo fariisin u ahaa kooxdii Dhuusamareeb kusoo duushay iyo sidoo kale in dadka lagu wacyigaliyo lashaqaynta dowlada si loo helo deegaan nabdoon oo madaxda iyo hay’aduhuba tagi karaan iyadoona laxog waraystay dadka deegaanka oo baahiyo badan oo dhanka nolosha ah laga dhagaystay.