Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Mareykanka, kuwaas oo ka dagay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaas, halkaas oo si billaaran loogu soo dhoweeyey.
Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in xubnahan uu horkacyo taliyaha ciidamada Maraykanka ee saldhiggoodu yahay dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti, iyada oo loo galbiyey dhanka madaxtooyada, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ay xukuumadda Hargeysa ka bixisay socdaalka wafdiga Mareykanka ee gaaray magaaladaasi.
Booqashadan ayaa daba socota socdaalkii uu dhowaanMuuse Biixi ku tegay Mareykanka, isaga oo kulamo lasoo yeeshay madax ka tirsan dalkaasi iyo Jaaliyadda Somaliland.