Home Wararka Maanta Wafdi culus oo ay dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray...

Wafdi culus oo ay dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray gudaha magaalada Laascaanood

0

Wafdi culus oo ay dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay weli ka socdaan dagaallo u dhexeeyo ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayo wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, kaas oo kulamo ka bilaabay xarunta Sool ee Laascaanood.

Wasiirka ayaa la kulmay gudiga 33 ee SSC-Khaatumo oo uu ka xog wareystay xaaladda murugsan ee magaalada Laascaanood oo dhowr bilood  ay dagaallo culus ka socdaan.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay dagaalladii xooganaa ee ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo sababay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wasiirka iyo wafdigiisa ay booqdaan xarumaha muhiimka ah ee magaalada oo burbur laga dareemayo iyo saameynta ay ku yeesheen dagaalladaasi.

Waa wasiirkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee tago magaalada Laascaanood, tan iyo markii uu ka billowday dagaalka Somaliland iyo SSC.

Booqashada wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso, xilli ay mar kale dib u qarxeen dagaallada u dhexeeyo labada dhinac oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood.

Dagaallada ayaa ku billowday kacdoon xoogan oo ka dhashay dilkii loo geystay marxuum Cabdifataax Hadraawi, wuxuuna isku beddalay arrin siyaasadeed iyo mid qabiil.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax Ka Dhacay Degmada ka Tirsan Galmudug iyo Dad Ku Nafwaayay
Next articleRuushka oo hanjabaad u diray reer galbeedka