Home Wararka Maanta Wadooyinka Muqdisho oo Xiran iyo Sababta oo la ogaaday

Wadooyinka Muqdisho oo Xiran iyo Sababta oo la ogaaday

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lasoo dhoobay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo hakiyay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka.

Ciidamada Koofi-gaduud oo ah ilaalada gaarka ee madaxtooyada ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka waa weyn, waxayna xireen dhowr jid oo muhiim u ah dadweynaha  caasimada.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah jidka Maka Al-mukarama, Isgoyska KM4, Soobe iyo Tarabuunka, halkaas oo lagu arkayo gaadiidka dagaalka iyo ciidamada ammaanka dowladda.

Xirnaashaha waddooyinkan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka Muqdisho oo maalaya cagahooda, si ay u gaaraan goobahooda shaqada ama waxbarashada.

Sidoo kale waxay arrintaan saameyn ku yeelatay dadweyne fara badam oo isku diyaarinayay Ciidul Fidriga, kuwaas oo kasoo adeegan lahaa suuqyada Muqdisho.

Xirnaanshaha Wadooyinka ayaa loo sababeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh oo Booqonaaya Xeryo  Ciidan oo ku yaala muqdisho kuwaas oo lagu diyaariyay Ciidan loo Diraayo Furimaha Dagalka ee Alshabaab lagula Dagalaamayo.

Madaxweyne Xasan Ayaan la sheegay inuu ka carooday in Ciidamada  Dowlada Shalay laga Saaray Saldhiga Deegaanka Budbdu Kadib Dagaal Qaraar oo Halkaas Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada Ku dhexmaray Laguna Gubay Gaadiid Dagaal oo farabadan oo ay ku jiraan beebeyaaal iyo gadiidka saadka Qaada.

Ad
Previous articleBooliska oo 5 sarkaal oo Musuq Layaab ley Kawada ku qabtay garoonka Muqdisho kadibna xiray
Next articleCiidamada ATMIS oo Ka Hadaly Hubka Dhigits uu Madaxweyne Xasan Shiikh dhawaan ku dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here