Home Wararka Maanta Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Gabi ahaanba Xiran iyo Sababta oo la...

Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Gabi ahaanba Xiran iyo Sababta oo la Shaaciyay

0

Wadooyinka muhiimka ah ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, waxaana wadooyinkaasi lasoo dhoobay ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka kuwaa ammaanka caasimada adkeenaya.

Ciidamada ku sugan wadooyinka xiran ayaa gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka u diidaya in ay halkaasi maraan, waxa ayna ciidamada goobaha qaar xittaa u diidayaan in dadka lugeenaya maraan.

Wadooyinkan ayaa loo xiray imaanshaha madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, waxaana hadda socda qaban qaabada soo dhaweynata madaxweynaha.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho u imaanaya in uu xarigga ka jaro  dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA, xaruntan dhismaheeda waxaa horey u dhagax dhigay Madaxweyne Geelle.

Ad
Previous articleAxmed Macalin Fiqi oo Jawaab u diray Afhayeenka kooxda Al-shabaab ee Cali Dheere
Next articleDowlada Federalka Soomaaliya oo war kasoo saaray xirnaashaha waddooyinka iyo garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here