Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa shaaciyey inay dhigiisa Raashiya iyo Ukraine ay Kulan toos ah ku yeelan doonaan magaallada loo Dalxiis tago Antalya ee Koonfurta Turkiga.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaalka Turkiga ee dhexdhexaadinta labadaasi dal waxaana uu qabsoomi doona Maalinta Khamiista ee soo socota.
Mevlüt Çavuşoğlu waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Suxufiyiinta Maanta kula kulmay Caasimadda dalkiisa ee Ankara, wuxuuna xusay in Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Raashiya iyo Ukraine isku doc arki doonaan Madasha Diplomaasiyadda ee Antalya Diplomacy Forum.
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay