Home Wararka Maanta Wadahadal u bilowday Dowlada Somalia iyo madaxda Maamulka shirkadda Tiktok

Wadahadal u bilowday Dowlada Somalia iyo madaxda Maamulka shirkadda Tiktok

0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay madaxda TikTok u qaabilsan Xiriirka Dowladda ee dalalka Afrika.

Kulankan ayaa waxay uga wada hadleen tallaabooyinka ay labada dhinac iska kaashan karaan ee lagu hakin karo in TikTok lagu faafiyo wararka argagixisada iyo sidii dadka Soomaaliyeed ee isticmaala madashaas ay uga heli lahaayeen xog sugan oo waafaqsan qiyamka, Anshaxa, iyo shuruucda dalka.

Maareeyuhu wuxuu si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in siyaasadda TikTok-ga  ee ku wajahan Soomaaliya la waafajiyo Shuruucda dalka sida: Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, Sharciga Saxaafadda, iyo shuruucda kale ee saameynta ku leh adeegyada TikTok.

Gebagebada kulanka ayaa waxay Hay’adda Isgaarsiinta iyo TikTok isku afgarteen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan ka-warbixinta iyo hoos u dhigista warbixinnada sharci-darrada ah ee ku jira madasha TikTok ee aan waafaqsanayn Habraaca ilaalinta bulshada (Community Guidelines). Kulankan ayaa ku xigi doono kulamo kale oo lagu ilaalinayo xuquuqda bulshada Soomaaliyeed ee isticmaasha barta TikToK.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAskar fal argagax lahaa ka geestay Muqdisho oo la xiray lagana ruqseeyay shaqada
Next articleAlshabaab oo weerar Qaraxyo Ku bilowday ku Qaaday Degaanka Ruunirgood