Home Wararka Maanta Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guuleystay bilada caalamiga ah ee lagdinka...

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guuleystay bilada caalamiga ah ee lagdinka iyo haraatiga?

0

Muniira Cabdiwaaxid oo kow iyo labaatan jir ayaa noqoneysa gabadhii ugu horreysay abid ee Soomaaliya ku metesha tartanka ciyaarta legdinka iyo haraatiga heer caalami. Waxay isu diyaarineysaa oo ay ka qeybgeli doonta tartanka caalamiga ah ee Baariis ka dhici doona sanadka dambe.

Muniira Cabdiwaaxid oo ku guda jirta hadafkeeda ah in ay noqoto ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Soomaaliya u cayaarta lagdanka iyo haraatida ee Taekwondo ayaa sheegtay in ay guul u tahay billada ay hanatay.

Waxaa ay ka qeyb gashay cayaaraha lagdanka Taekwondo-ga iyadda oo xidhan xijaabka taa oo soo jiidatay dareenka Soomaalida qurba joogta ah ee ku nool Manchester ee boqortooyadda Ingiriiska.

Muniira Warsame Cabdiwaaxid oo ah gabar Soomaali ah oo haysata dhalashada Ingiriiska ayaa sidoo kale noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee cayaarta tartamada Taekwondoa ee heerka caalami ee kasoo jeeda Soomaaliya. Waxay hami iyo filasho weyn ka qabtaa guul ay ka gaarto ciyaaraha Olombikada.

Muniira ayaa markii ugu horeysay soo xiratay calanka Soomaaliya sanadkii 2018-kii, iyadda oo ka qeyb galaysa tartanka dhalinyarada adduunka ee la qabtay isla sanadkaasi. Waxaa ay dedaal dheer u gashay sidii ay Soomaliya ugu matali laheyd Ciyaaraha Olombikada ee Paris 2024.

Ad
Previous articleXabad joojintii Garowe oo Gabi ahaanba Burburtay iyo Dagaal laga Cabsi Qabo
Next articleDeni oo Soo Bandhigay Cududa Ciidan ee Puntland Xili Garowe Xiisad Ka Taagantahay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here