Home Wararka Somaliya Waa Sidee Xaalka Magaalada Muqdisho ee maanta kadib dagaaladii dhacay

Waa Sidee Xaalka Magaalada Muqdisho ee maanta kadib dagaaladii dhacay

0

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ilaa xalay ka dhacay iska hor imaadyo hubaysan oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo ciidamo kale oo ka soo horjeeda maamulka Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan golaha Shacabku u kordhiyay muddo laba sano ah.

Goobaha ay dagaalada ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah agagaarka Marinaayada, Xaafada Taleex iyo qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhsawac ah oo ka dhashaday dagaalada.

Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa Maanta ah mid degan, waxaana si teel teel ah u socda dadyow badankood u socda Shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwo xaalada qiimeeynaya.

Goobaha ay dagaalada ka djaceen oo ay kala deganaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa ay ku eedeeyay Dowladda inay, iyada soo weerartay, isla markaana ay iska difaaceen, balse waxaa warkaasi beeniyay Wasiirka Amniha Xasan Xundubeey Jimcaale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadsa xulgaarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaaladii dhacay, waxaana uu sheegay in wax walba nabad lagu raadinayo, balse dhinaca kale uu faray Ciidamada Amniga inay waajibaadkooda gutaan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya inay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada gacan ka hadalka sababtay ee u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka.

Ad
Previous articleXubnaha Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta oo Muqdisho shir ku leh
Next articleMucaaradka oo war kasoo saaray waxa ka jira Waan-Waan Laga Dhex Bilaabay Dowladda Iyo Mucaaradka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here