Home Wararka Maanta Waa sidee xaaladda magaalada Laascaanood maanta?

Waa sidee xaaladda magaalada Laascaanood maanta?

0

Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah laga maqlayo gudaha, inkastoo ay si guud u deggan tahay xaaladda.

Ma jiro dagaal toos ah oo saaka dib uga billowday magaalada laascaanood sida ay ku soo warrameen wariyeyaasha ay la xiriirta Mudug24.

Xalay fiidkii ayuu dagaal dhex maray dhinacyada isku haya magaalada, waxayna ahayd markii ugu horreysay oo waqti habeen ah lagu dagalalamo Laascaanood. Sagaalkii maalmood ee lasoo dhaafay ayuu aaggaas ka socday dagaalka u dhaxeeyay ciidamada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo dadka deegaanka oo ay horkacayaan garaaddada.

Weli faahfaahin lagama hayo khasaaraha uu sababay dagaalkii xalay dhacay oo ku soo aaday xilli ay dadka sameynayeen adeegga aasaasiga ah, maadaama xilliga habeenka ah aan la fileyn in ay wax dhacaan.

Sidoo kale labada dhinac midna ma soo sarin warar ku saabsan dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Ad
Previous articleTaliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya oo Joojiyay Arin Shacabka Soomaaliyeed Dhib badan Ku Qabeen
Next articleWAR DEG DEG AH: Dagaal Culus oo U Dheexay Alshabaab iyo Galmudug oo Kasocda Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here