Home Wararka Somaliya Galmudug Waa sidee saaka Degmada Gurceel ee Gobalka Galgaduud

Waa sidee saaka Degmada Gurceel ee Gobalka Galgaduud

0

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa hareereeyay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo 1-adii bishaan ay la wareegeen ciidamo hubeysan oo kasocda maamulkii Ahlusunnna ee horay uga talin jiray Guriceel.

Ciidanka dowladda ayaa hadda ku sugan dhammaan Kontoroolada laga soo galo Magaalada Guriceel gaar ahaan kuwo xigga dhanka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka Ahlusunna ayaa ku sugan gudaha Magaalada halkaasi oo ay ka qoteen dhufeysyo waa weyn sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Xiisad dagaal ayaa Saaka ka taagan magaalada, iyadoo ciidanka Ahlusunna ay sheegeen in wali ay gacanta ku hayaan Saldhigga magaalada ayna kusii sugnaan doonaan.

Maamulka Galmudug ayaa wacad ku maray in uu gacanta maamulka uu kusoo celin doono degmada Guriceel oo ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa xalay si nabad ah kula wareegay dugsiga tababarka Ciidamada Har-qaboobe oo duleedka ka ah Guriceel iyo koontaroolka bari ee Magaalo oo ay ka galaan gaadiidka dhanka Dhuusamareeb kataga.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Loogu Baaqay Dhameystirka Xubnaha Aqalka sare
Next articleDeg Deg dagaal ka soconaya Degmada Gurceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here