Home Wararka Maanta Waa kumaa qofka ay Xamas qafaalatay ee aaska loo sameeyay?

Waa kumaa qofka ay Xamas qafaalatay ee aaska loo sameeyay?

0

Magaalada Modi’in ee bartamaha Israa’iil, waxaa aas loogu sameeyay IDF Corporal Noa Marciano, taas oo ay Xamaas qafaasheen 7-dii Oktoobar.

Sida aan horay u sheegnay, Cpl Marciano ayaa meydkeeda laga soo saaray dhismo ku dhow isbitaalka Al-Shifa todobaadkan. IDF waxa ay sheegtay in sirdoonku ay ku hageen goobta saxda ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters iyo warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in Israa’iil ay u oggolaanayso laba baabuur oo shidaal ah maalintii inay galaan Gaza sii loo dardar galiyo hawsha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Arrintan ayaa lagu soo waramayaa inay timid kadib codsi ka yimid Mareykanka, waxaana si wadajir ah u ansixiyay golaha dagaalka ee Israel.

Sarkaal aan la magacaabin ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in tallaabadani ay Israa’iil siinayso “in cadaadisyada diblumaasiyadeed ka dabaalato” marka ay la dagaallamayso Xamaas.

Waxa kale oo la sheegay in Israa’iil ay la socon doonto xiliga shidaalka laga keenayo si ay u hubiso in aanu gaarin cadawgeeda – walaacaasi oo hore u horseeday in uu khalkhal galo in Gaza shidaalka soo gaaro.

Ad
Previous articleCiidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta howl-gal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab
Next articleRaysulwasaare Xamse oo Safar Kadis ah ku Tagay Xerada Hiilwayne(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here